Waxa aan tusaale u soo qaadan doonnaa saaxiibtinimadii Cuqba ibnu Abii Muceyd iyo Ubaya ibnu Khalaf.
Cuqba waxa uu ahaa deriska labaad ee Nabi Muxammad Nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Cuqba waliimo dhigay, waxa uuna u yeeray raggii maqaawiirta ahaa ee Qureysheed, dadka uu u yeeray waxaa ka mid ahaa Rasuulkeenna Nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee. Nabigu waxa uu Cuqba ku yiri: " Alle ayaan ku dhaartaye ma cunaayi raashinkaaga ilaa aad ka rumeysid Allah SW". Cuqba markaasi waxa uu ku dhawaaqay Shahaadateynka.
Arrinkii ayaa waxa uu gaaray saaxiibkiis Ubaya ibnu Khalaf. Ubaya markaas ayuu dhahay "Cuqbow waa maxay waxa xaggaaga iga soo gaaray"? Cuqba waxa uu dhahay waxba ma jiraan ee nin sharaf leh baa gurigeyga soo galay oo aan u yeeray anigu wuuna diiday inuu wax cuno ilaa aan Alle ka rumeeyo. Aniga oo ka xishoonaya inuu ka baxo gurigeyga isaga oo an cunto cunin ayaan ku dhawaaqay sidii uu isagu rabay. Ubaya intaas kuma qancin ee waxa uu dhahay " haddii aad Muxammad aragtid oo aadan qoorta uga istaagin, oo aanad wajiga uga candhuufin, indhahana aadan ka dharbaaxin ogow wajigeygu waa ka xaaraam wajigaa" oo uu ula jeedo haddii aadan intaas ku sameynin Muxammad aniga iyo adiga ma sii ahaan doonno saaxiibbo. Cuqba markuu arkay Rasuulkii Alle sidii buu sameeyay.
Markaas ayow Alle SW soo dejiyay aayadahan Suuratul Furqaan. وَيَوْمَ يَعَضُّ الظَّالِمُ عَلَىٰ يَدَيْهِ يَقُولُ يَا لَيْتَنِي اتَّخَذْتُ مَعَ الرَّسُولِ سَبِيلًا (27 Xus Nabi Muxammadow maalin uu daalimku qaniini doono labadiisa gacmood isagoo dhahaayo Shallaytadeydiiyey maxaan u raaci waayay Rasuulka.يَا وَيْلَتَىٰ لَيْتَنِي لَمْ أَتَّخِذْ فُلَانًا خَلِيلًا Shallaytadeydiiyey maxaan hebel( Ubaya Ibnu Khalaf) saaxiib uga yeeshay. لَّقَدْ أَضَلَّنِي عَنِ الذِّكْرِ بَعْدَ إِذْ جَاءَنِي ۗ وَكَانَ الشَّيْطَانُ لِلْإِنسَانِ خَذُولًا Waxa uu iga lumiyay saaxiibkaasi dikriga/tawxiidka xaggiisa markii uu ii yimid ka dib, sheydaanna waxa uu ahaaday mid dhagraaya insaanka.
Marka Nabigaa la yiri maalinta uu Cuqba sidaas dhihi doono waa maalinta qiyaame ee umaddaada u sheeg.
Waxa aan halkan ka fahmeynaa saaxiibka xun inta ay la egtahay dhibaatadiisa, waayo Cuqba saaxiibkiisii xumaa awgiis ayuu ku dhintay gaalnimadiisii.
No comments:
Post a Comment